DF oo shaacisay khasaaraha duqeyn laga fuliyey agagaarka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixisay duqeyn cusub oo lala eegtay Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu qeyb ka ahaa Mareykanka ayaa shalay galab ka dhacay degaanka Gandarshe, oo koonfur kaga aadan Muqdisho.

Weerarkaas dhanka cirka ah waxaa lagu dilay afar kamid ahaa Al-Shabaab, sidda ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta.

Sidda ku xusan bayaanka, ma jiro shaca wax ku noqdey duqeynta, haddii ay soo baxaanna baaritaano ayaa loo diri doonaa.

Taliska Mareykanka ee Afrika kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey khasaaraha ay dowladdu ka baahisay duqeynta.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakada balaaran ee Al-Qaacida.

Sikastaba, 5-tii bishaan Maaj ayay ahayd markii duqeyn ka dhacay Kuunya Barow oo Shabeellaha Hoose ah lagu dilay dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM