DF oo wada qorshe saameynaya dekadaha maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiid badda ee Soomaaliya, Maryan Aways Jaamac ayaa sheegtay in dowladda ay wado qorshe ay dib ugu soo celineyso dekadaha guud ahaan ee dalka ku yaala inay shaqeeyaan xilliga habeenkii.

"Waxaan dooneynaa inaan hir-gelino qorshe ah in dekadaha guud ahaan ee dalka ku yaala ay noqdaan kuwa 24-ka saac shaqeeya, waxayna kamid tahay qorshayaasha u degan dowladda, ayna dooneyso inay fuliso," ayay u sheegtay warbaahinta.

Waxay tilmaantay in talaabadda ay hadda kamid tahay qorshayaasha u degan dowladda, ayna dooneyso inay ku dhaqaaqdo sanadaha nagu soo food leh, si bay tiri sare loogu qaado dhaqaalaha guud ahaan ee dalka, kaasoo haatan meel dhaxaad ah.

"Talaabadaan oo aan u aragno inay tahay mid muhiim u ah dhaqaalaha dalka, sarrena u qaadeysa, ayaan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ku fulino," ayay raacisay Marwo Maryan Aways Jaamac, Wasiirka Dekadaha iyo Dekadaha Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa xili habeenimadii Sabtidda ay dowladdu ku dhawaaqday in Dekadda wayn ee Muqdisho ay shaqayn doonto habeen iyo maalin [24 saac], taasoo la sheegay inay sarre u qaadeyso Dakhliga dalka.

Dekadda Muqdisho oo ah tan kaliya ee dowladda Federaalka gacanta ku hayso ayaa waxaa maamusha shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waana isha dhaqaale ee kaliya oo ay dowladdu ka heshay dakhliga ugu badan sanad walba.

Su'aasha haatan taagan waxay tahay sida dowladda qorshahaan uga fulin karto dekadaha hoos-yimaada maamulada dalka, maadaama la ogyahay inaanu fiicnayn cilaaqaadka dowladdu la leedahay dowlad goboleedyadda qaar ee ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM