Dowladda Soomaaliya oo "dooneysa" in uu Deni ka dego Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa quudareyneysa in uu Muqdisho ka dego madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sida uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Dibada xukuumada federaalka.

Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaas ka sheegay furitaanka Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo Axada maanta ah ka furmay magaalada caasimada ah ee Garowe.

Cawad ayaa horkacaya wafdiga dowladda federaalka u dirtay madasha. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre waxay rajeeyeen in uu guul kusoo dhamaado shirka, sidda uu Cawad ka dhawaajiyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, diblumaasiga ugu sareeya xiriirka caalamka ee Soomaaliya ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in wadahadal lagu soo afmeero kala aragti-duwanaanta siyaasadeed ee dowlada iyo Puntland.

"Madaxda dowlada Soomaaliya dhowr mar bey Garowe yimaadeen, annaga wafdigeena markii saddexaad baannu imaaneynaa intii uu madaxweyne Deni madaxweynaha ahaa. Hadda annaga, Xamar iyo madaxyadaba waxaan aad ugu han-qaltaageynaa diyaar kasta oo dageysa u fiirinaa in uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni la socdo, iyadduna waan fileynaa, wixii tabasha ah ee jirana uu sheego," ayuu u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Kadib markii uu sawaxan iyo sacab is-qabsaday hoolka kadib erayadaas, Cawad ayaa raaciyey "waa naga dhab, ma kaftameyno".

"Uma aanan imaan halkaan in aan maaweelino dadka, laakiin dhabtu saas weye. Soomaaliya waa sidda jirka bini'aadamka. Dowladda federaalka waa madaxii, dowlad goboleedyaddana waa xubnihii jirka. Puntland waa meesha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya. Hadii aysan la shaqeyneyn Puntland, dowladnimada Soomaaliya ma shaqeyn karto," ayuu raaciyey, isagoo guul u rajeeyay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka ayaa ku eedeysay dowladda Farmaajo in ay baalmartay dastuurka isla markaana isku koobtay go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka.

Inta badan madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan dhaqan-gelin hadalada ay ka sheegaan fagaareyaasha oo ah in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka oo ay la fariistaan maamulada naqdiyey.

MUUQAALKA CAWAD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM