DF Soomaaliya oo Shariif Xasan ka saxiixatey iney maamusho doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Kadib markii Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan uu is-casiley maalintii shaley  November 7, 2018 ayaa qoraal uu soo saarey waxaa uu ku ogolaadey in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay maamusho doorashada maamulkan magaalo madaxdiisa KMG ah tahay Baydhabo.

Shariif ayaa qoralakiisa oo ku taarikheysanaa 7-dii November, 2018 ku sheegay inuu xilkii maamulkaas iska casiley islamarkaana ka harey doorashadii la qorshanyo in la qabto 17-ka bishan kadib markii uu arkey xaaladaha ka dhexjira Dowlada Federalka ah iyo Koonfur Galbeed isagoo u turaya dalka.

Qodobka kale ee muhiim ah ee ku xusan qoraalka Shariif Xasan xilka isaga casiley ayaa muran ka dhaliyey maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ay diideen musharaxiinta aan tageerada ka haysan Villa Soomaaliya.

Arintaan ayaa hoosta ka xariiqaysa in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay qayb ka ahaato maamulista doorashada la filayo iney maamulkaas ka dhacdo.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu wax ka ogaado sababta qoraalka Shariif Xasan ugu darey qodobkaan ayaa fahansan in Dowlada Federaalka dalabkeeda ku yimid islamarkaana uu jiro is-fahan dhexmarey Madaxweynaha is-casiley iyo Villa Somalia.

Dowlada Federaalka ayaa aad ugu mashquulsan tahay in faragalin ku sameyso maamulada doorashada ka dhaceyso si ay xilka u qabtaan madax tageersan siyaasadooda ku aadan nidaamka Federaalka iyo qaabka ay rabaan inuu dalka Soomaaliya uga shaqeeyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM