DF Soomaaliya oo xukuntay askari lagu eedeeyay dilka ciyaaryahan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda dambi baarista boliiska CID ayaa ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday xabado sababay laba kamid ah in ay galaafteen nolosha Marxuumka.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad 30-cisho ah oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Garsoorka Soomaaliya

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM