DFS: Kenya waxay qarka u saaran tahay in ay ka baxdo dacwada badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Kenya ayaa qarka u saaran in ay isaga baxdo dacwadda badda, sidda uu sheegay Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr Axmed Cali Daahir.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ku warameysa in Mr Daahir uu hadalkan sheegay kadib markii uu war-fidiyeenka la hadlay.

Dhawaqan cusub ayaa kusoo beegmaya xili xukuumadda Nairobi ay codsatay dhowaan in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo dhageysiga kiiskan si ay u soo qorato qareeno cusub oo difaaca.

Soomaaliya oo si cad uga soo horjeesatay dalabkaasi ayaa waxay ku tilmaamtay "mid dhibaato qoto dheer leh oo dhaawacaya geedi u socodka nidaamka garsoorka".

Marka laga soo tago sheegashadda Axmed ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan in ay isaga baxayaan gebi ahaanba gal-dacwadeedkan.

Maxkamadda ICJ oo aanan wali ka jawaabin soo jeedinta Kenya ee hakinta dhageysiga galkan ayaa horey u muddeysay 9-ka bishan September oo ku beegan Isniinta soo aadan.

Wakiilada dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ku meteli lahaa doodan ayaa iska xaadirinaya magaaladda Hague ee Holland, si ay isugu daba ritaan doodooda.

Kiiskan oo soo bilowday bishii August 2014-kii ayaa wuxuu xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labadda dal ee deriska ah xili loogu baaqayo in ay ka dhowr-sugaan go'aanka ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM