DFS oo xirtay mas'uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay xabsiga dhigtay xubno ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, maalmihii lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in xubnaha la xiray oo isugu jira, Askar, Ganacsato iyo mas'uuliyiin heer Gobol ah lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin Ganacsiga Dhoofinta Dhushaxa oo ay dowladda Federaalka iyo Gollaha amaanka ee QM mamnuuceen.

Xeer-ilaaliaha Qaranka Soomaaliya, ayaa afka ku balaariyay in xubnaha la xiray ay ku wareejiyeen gacanta Hay'addaha amaanka, islamarkaana la marsiin doono baaris iyo su'aallo waydiin, iyadoo qofkii dembi lagu helo maxkamad lasoo taagi doono.

Daahir ayaa tilmaamay in mas'uuliyiinta, ganacsatadda iyo Askarta dhamaantooda laga soo xiray magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo gacmaha kula jira dhoofinta dhuxusha, oo doomo yaryar u taagan yihiin xeebta.

"Kadib booqasho aan ku tegay magaaladda Baraawe, waxaan kusoo ogaanay inay wali ka jirto dhoofinta Dhuxasha, taasoo dowladdu horey u mamnuucday, waana loo xiray mas'uuliyiin, askar iyo ganacsato," ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha qaranka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xeer-illaaliyaha ku eedeeyay ciidamadda AMISOM in aysan fulin amarka dowladda oo ay ku mamnuucday dhoofinta Dhuxusha, maadaama meelaha ay joogaan inta badan laga dhoofiyo, sida Kismaayo iyo Baraawe.

"AMISOM waxaa uu farayaa heshiiska ay ku joogaan inay fuliyaan amaradda kasoo baxa dowladda, marka waxaana aragnaa inay tahay kaalin ay gabeen in aysan ka shaqaynin amarka dowladda kasoo baxay," ayuu Xeer-ilaaliyaha ku daray hadalkiisa.

Hadalka Axmed Cali ayaa kusoo aadaya iyadoo ay soo baxayeen mudooyinkii dambe eedo ku aadan in ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxushadda, taasoo la sheegay inuu dhaqaalo badan kasoo galo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM