Dhaawacyada Weerarkii Otto Otto oo dibada loo qaadayo [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxmuud Geelle, ayaa faah-faahiyay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadey xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.

Qaraxyadda oo uu xigay weerar toos ah oo lagu qaaday dhismaha, ayaa waxaa illaa iyo haatan la xaqiijiyay inay ku dhinteen 20 qof, halka dhaawaca kor-u dhaafayo in ka badan 30, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.

Wasiir Geelle oo ugu horeyn ka tacsiiyay geeridda ayaa kuwa dhaawaca ah ugu bishaareeyay in kuwii xaaladooda dalka gudihiisa wax looga qaban waayo ay dowladda u qaadi doonta dalka dibadiisa, oo lagu soo daaweyn doono.

Dhinaca kale, wuxuu ku eedeeyay xoogaga Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weeraradaan inay ku beegsadaan Shacabka, isagoona ka codsaday dadweynaha inay la shaqeeyaan laamaha amaanka, si amaanka dalka iyo caasimada loo sugo.

"Ficiladaan waa kuwa ay miro dhalkooda ahaa in Asaay loo saaro Hooyo Soomaaliyeed, iyo in la dilo Dad aan waxba galabsan, oo looga bartay Al-Shabaab, oo aan dadka wax ku taraynin," ayuu wasiirka cod dheer ku sheegay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa wasiirka uu daaha ka rogay in dowladda Soomaaliya ay hayso macluumaad ku saabsan saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ay qoysaskooda joogaan goobaha dowladda ka taliso, balse aysan dooneyn inay beegsadaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta xukuumada, ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda hadda jirta ay wax walba ku bixin doonto sidii loo adkayn lahaa amaanka caasimadda, islamarkaana ay ku dadaali doonto in Qof Shacab ah uusan dib soo gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM