Dhageysiga rafcaanka kiiska Sayid Cali Daa'uud oo lasoo gabagabeeyay

Image
Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambaysta ah, balse ma aysan cayimin taariikhda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah soo gabagabeysay dhageysiga labaad ee dacwadda iyo difaaca Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay loogu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii uu dilay xaaskiisa oo uur lahayd.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambaysta ah, balse ma aysan cayimin taariikhda.

Garyaqaan Cali Xalane oo u doodayay Daa’uud ayaa rajo ka muujiyay in maxkamadda racfaanka ay soo saarto go’aan ka duwan kii ay gaartay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xalane ayaa ku dooday in hadii ay ku qanci waayaan xukunka Maxkamada Racfaanka ay racfaan kale u qaadan doonaan maxkamada sare ee dalka. Waxa uu aaminsan yahay in Eedeysanaha uusan Gubin Xaaskiisa.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in Sayid Cali uu ahaa dambiilihii gubay xaaskiisa, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay in Maxkamaddu ay ku dhawaaqdo xukunka.

Saciid wuxuu intaas ku daray in xogta dhakhaatiirta, warbixinnada goob-joogayaasha, iyo gubashada jidhka eedaysanaha ay caddaynayaan dembiga Daa'uud.

Kiiskan oo ah mid si weyn loo hadal hayo ayaa kasbaday aragtida guud ee Soomaaliya, iyadoo bulshadu si dhow ula socoto wixii dhacay. Si kastaba ha ahaatee, go'aanka maxkamadda racfaanka ee sida weyn loo sugayay ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo toddobaadkan.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh C/casiis, ayaa waxay ahayd mid si weyn looga qadariyo Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna ahayd hooyo leh lix carruur ah.

Marxuumada ayaa isbitaalka Erdogan ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dabkaasi oo ay dacwad oogayaasha ku eedeeyeen in uu dabay Daa’uud ka dib muran qoys oo dhex maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM