​Dhalinyaro lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU- Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia Jen. Cabdullaahi Gaafoow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 11 dhalinyaro Somaliyeed kuwaasi oo qorshaynayay inay u dhoofaan dalka Masar si ay uga sii tahriibaan.

Dhalinyaradan ayaa kusii jeeday dalka Kenya oo laanta Socdaalka Somalia tilmaamay inay uga sii safri lahaayeen dhinaca Masar, madaama ay wateen fiisooyinka dalkaasi.

Gaafow ayaa xasay in dhalinyaradan lagu wareejiyeen laanta dambi baarista dowladda ee CID, si loo xaqiijiyo socdaalkooda waxa uu la xiriiro.

“Waxaa saakay qabanay 11 dhallinyaro ah waxa ay rabeen in ay kabaxaan garoonka aadan cadde kadibna dalka Kenya ay ka sii tahriibaan oo ay naftooda qatar galiyaan, hoggaankana arrintaan xil ayaa ka saaran mana ogolaan doono in dad tahriib u socda ay garoonka ka dhoofaan,” Ayuu yiri Gaafoow.

Qabashadan dhalinyarada ayaa kusoo beegantahay xilli lasoo saaray amarro adag oo lagu joojinayo qulqulka dhalinyarada islamarkaana lagu bur-burinayo shabakadaha wax tahriibiya, maadama todobaadkan dhalinyaro kor u dhaafaysa 200 Somalia ah ku dhinteen badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM