Dhimasho ka dhalatay Miino haleeshay gaari ay la socdeen rayid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay tirro kale oo lamid ahna way ku dhaawacmeen markii gaari nooca loo yaqaano Dheyno ay miino ku haleeshay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, shaqsiyaadka dhintay oo uu ku jiro darawalka gaariga iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa dad shacab ah si gaar ah ganacsato ka baayac-mushtarta iibinta Caanaha.

"Miinada waxay gaariga ka haleeshay afka hore," ayey warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay qof kamid ah dadka degaanka oo intaasi ku daray "Baabuurka wuxuu kasoo baxay degmada Afgooye".

Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed oo gobolkaasi uu hoostago ayaa tacsiyeeyay geerida, iyaga oo bukaanada u rajeeyay soo kabasho degdeg ah. "Ma caddeyn karno cidda Miinada ku aastey," ayay raaciyeen.

Lama xaqiijin karo, sidoo kale, hadii qaraxaasi uu bartilmaameed ahaa, maadaama gobolka qeybo kamid ah ay ka jirto colaad xili laga cabsi qabo in dadka ugu badan ee gaari saarnaa ay dumar ahaayeen.

Ciidamada iyo Al-Shabaab oo isku ugaarsanaya ayaa dagaalo kharaar uu ku dhex-maray mudooyinkii dambe, iyadda oo xoogaga dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta degaano horleh.

Qaraxyadda dhulka lagu aaso oo alaaba qeybo kamid ah gobolada dalka lagu beegsado kolanyada ay la socdaan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa xooga dalka dusha u rita mas'uuliyadooda kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM