Dhismaha guddiga dib-u-eegida ku sameynaya UNSOM oo laga shiray

Image
Ujeedka shaqo ee guddiga waa unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato gudaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane James Swan xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas'uuliyadaha loo igmaday.

Intii lagu gudo-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa la iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Ujeedka shaqo ee guddiga waa unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka, iyo sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM