Dib u dhac ku yimid Shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac ku yimid Shirka Gollaha Amniga Qaranka ee la filayay in uu maanta oo Arbaco ah [28-ka Maarso] ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay baaqshada Shirka, iyadoo aysan Saraakiishu sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambaysay inuu Shirka baaqdo maanta.

Illo ku dhaw Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Shirka uu u baaqday sababo la xiriira khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kaasi oo hareeyay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Khayre.

Khilaafka Hay'adaha sharci-dejinta iyo fulinta dalka sababay in ay hakad galaan Shaqooyin Xukuumadda u haysay qaranka, kadib markii Wasiiro badan ay ku mashquuleen Mooshinka xilka qaadista Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Shirka Baydhabo ayaa la filayay in lagu dhameystiri heshiiyadii ay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ku saxiixdeen Shirkii hore ee lagu qabtey Muqdisho 6 illaa 10-kii Febuary ee sanadkan.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa lagu waday in maanta ay u gudbiso Madaxda dalka nooca Doorasho ee ka dhaci karta Soomaaliya sanadka 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM