Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Image
Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta caasimadda Muqdisho ku daahfuray Kulanka Wadatashiga Dowlad Goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ee dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa khudbaddiisa waxaa uu uga hadlay ahmiyada nidaamka, isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay in ay gaarsiiso dalka oo dhan.

"Nidaamkan waxaa uu muhiim u yahay dalkan oo muddo soo burbursanaa, oo qofku waxa uu yahay aanu caddeyn, adduunkana ma jirto meel aan qofka loo abtirin karin, qofkana waxaa abtiris u ah aqoonsigiisa," ayuu yiri.

Waxa uu ku daray hadalkiisa: “Barnaamijkan caasimadda ayuu yaalay, maanta waxaa wadatashiga la bilaabay si gobollada u gaaro waa fursad danta qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u wanaagsan, waxaana la heli doonaa kaarar la qaadanayo, shaqo, iyo hab lagu kala ogaanayo dambiilaha iyo dadka kale".

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM