Dib-u-qaabeyn lagu sameeyay Taliska Ciidamadda Soomaaliya

Image
Talisyadan cusub ayaa si degdeg ah waxaa wareegto madaxwayne loogu magacaabay hogaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabadan la qaado iyadda oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe  Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM