Dibadbax ka dhan ah Go'aankii Trump ee Qudus oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal qof ayaa maanta salaadi Jimcaha kadib isagu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka caraysanaa go'aankii Madaxweyne Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimdaa Israel.

Dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Trump iyo Israel ayaa waxay socod ku mareen jidadaka waaweyn ee caasimadda, waxayna isagu tageen fagaaroyin, oo khudbado loogu jeediyay.

Waxay sheegeen in Qudus ay tahay magaalo muqadas ah, islamarkaana ay waajid diini ah ku tahay dhamaan Muslimiinta inay difaacan magaalada Qudus, oo uu ku yaalla Masjidka barakaysan ee Al Aqsa.

"Qudus oo caasimad u noqoto Israel waa dhamaadka Muslimiinta, waxaa waajib diini ah uu ku yahay qof kasta oo Muslim ah inuu difaaca Masjidka xurmaysan ee Al Aqsa," ayuu yiri Sheekh Cabdul-xayi oo dadweynaha la hadlayay.

Banaanbixii maanta ayaa yimid saacado kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ay ku cambaaraysay go'aankii Trump ee aqoonsiga Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel. Halkan ka akhri.

Sidoo kale, dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa maanta ka dhacay dibadbaxyo noocan ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin Pakistan, Iran, Indonesia, Malaysia, Afghanistan, Jordon, Tunisia, Yemen iyo Japan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM