Dibadbax looga soo horjeedo xariga Robow oo ka billowday Bardaale, Xudur iyo Buur-Hakaba

Image
Image

BUUR-HAKABA, Soomaaliya - Dibadbax ballaaran, oo looga soo horjeedo xariga Mukhtaar Roobow ayaa maanta oo sabti ah ka bilowday degmada Buur-Hakaba, ee gobolka Baay.

Kumanaan dibadbaxayaal ah, oo Ardayda Iskuuladda ay kamid yihiin ayaa isagu soo baxay saaka wadooyinka magaalada, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Federaalka iyo kuwa taageero loogu muujinayay Mukhtaar Roobow.

Maamulka degmada ayaa sheegay in banaanbax uu yahay mid ay dadweynaha ku muujinayaan si nabad ah dareenkooda ku aadan faragelinta dowladda Federaalka ee arrimaha Koonfur Galbeed iyo sida ay ula dhaqantay mid kamid ah musharaxiinta doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in diabadbaxyo kuwan lamid ah ay ka socdaan degmooyinka Bardaale iyo Xudur oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool.

Dibadbaxa Buur-Hakaba ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay maalintii saddexaad ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata oo billowday Khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii ay ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow.

In ka badan 12 qof oo uu ku jiro Xildhibaan katirsanaa Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyootay rabshada ka socda Baydhabo iyo isku dhacyada u dhaxeeya dad careysan iyo booliska dowladda Federaalka oo garab ka helaya ciidanka Itoobiya.

Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad adag iyo jawhareer siyaasadeed xilli doorasho ay kusoo wajahan tahay 19-ka bishan, taasoo laga cabsi qabo in markii 4aad ay dib u dhacdo maadaama jawi xasiloon oo doorasho lagu qaban karo aan ka jirin Baydhabo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa aad loogu cambaareeyay xariga Roobow, waxaana Xildhibaano Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare ay ku baaqeen in Musharaxa xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM