Diblumaasi: Dowladda Soomaaliya waxay ku cayaareysaa dab

Image
Turkiga ayaa tan iyo bishii July martigeliyay wada-hadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar ayaa Talaadadii Soomaaliya soo gaarsiisay gargaarkii ugu horreeyay ee milateri in ka badan afartan sano, sidda ay xaqiijiyeen saddex ilo-wareedyo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dublamaasiyiinta ayaa sheegay in Soomaaliya ay "ku ciyaareyso dab" isaga oo ula jeedo soo dhaweynta hubka Masar oo uu loolan xooggan kala dhaxeeyo Itoobiya.

Dalabka Masar ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee sanadka soo socda ka bilaabanaya Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika horaantii bishan.

Khuburada ka faallooda amniga gobolka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay noqon karto furin dagaal oo ay isku-hartiyaan dowladaha Itoobiya iyo Masar.

"Haddii Masaarida ay ciidan soo dhoobaan xuduudka Itoobiya, waxay keeni kartaa in labadoodaba iska hor imaad toos ah dhex maro," ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Sahan.

Rashiid oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka Reuters ayaa ku daray: "Khatarta dagaal toos ah oo toogashada ah waa mid yar, laakiin iskahorimaad wakiil ayaa suurtagal ah".

Turkiga ayaa tan iyo bishii July martigeliyay laba wareeg oo wada-hadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ku saabsanaa heshiiska Somaliland, kaasoo aan weli la dhamaystirin.

Wareeg saddexaad ayaa la filayaa bisha soo socota. Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay badda gasho, waana mid kamid ah sababaha fashiliyay wadaxaajoodka isla markaana keentay in lagu kala tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM