Digniin laga soo saaray Colaadda Puntland iyo Somaliland

Image

Brussels - Hay'adda xasaradaha caalamka ee [International Crisis Group] oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa warbixin cusub kasoo saartey colaadda u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in muranka u dhaxeeya labadan maamul ee salka ku haya gobollada Sool iyo Sanaag ay horseedi karto, hadii aan la xalin dagaal furan, oo ka dhacay waqooyiga dalka Soomaaliya.

ICG ayaa hoosta ka xariiqay in wadada kaliya ee loo mari karo xalka colaadda Somalliland iyo Puntland ay tahay wadahadal inay ka sameeyaan khilaafkooda, sidoo kalena looga baahan yahay madaxda labada maamul inay joojiyaan wararka si kicinaya xiisadda.

QM, Itoobiya, Dowladda Federaalka iyo dowladaha kale ee saameynta siyasadeed ku leh Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay cadaadis ku saaraan Puntland iyo Somaliland inay xabad-joojin sameeyaan, islamarkaana ay isagu yimaadaan miiska wadahadalka.

Hay'adda ICG ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan doona sii socoshada dagaalka labada dhinac, oo ay sheegtay inuu keeni karo barakac baahsan iyo inay fursad u noqotay Al-Shabaab iyo Daacish inay gobolladan tagaan, kadibna fariisamo ka sameystaan.

"Qaramada Midoobey waa inay dib usoo cusbooneysiisaa dhex-dhexaadinta, iyadoo kaashanaysa dowladda Federaalka iyo Itoobiya, oo xiriir wanaagsan la leh Puntland," ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

Warbixintaan ayaa sidoo kale dhiiri galisay dalka Imaraadka Carabta in coladaan joojinteeda qayb ka qaato madaama xiriir dhow la leeyahay labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. 

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in diiradda la saaro ayaa ah marka ugu horeysa in Puntland iyo Somaliland ay xabad-joojin ka sameeyaan Tukaraq, in ay Ciidamada kala qaadaan, in ay gargaarka bini'aadanimo u ogolaadaan in la gaarsiiyo goobaha colaadda ka jirto iyo in ay mustqabalka wadahadal lagu xalinayo muranka ay galaan.

Colaadda gobolka Sool ayaa dib usoo noolaatay markii ay Ciidamada Somaliland ay duulaan kusoo qaadeen 8-dii January 2018 deegaanka Tukaraq, halkaasi oo ay kala wareegeen Ciidamada difaaca Puntland.

Somaliland ayaa tan iyo 2007 waday is-ballaarin dhanka dhulka ah, iyadoo la wareegtay magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yahay Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, halkaasi oo hadda dadka degan wadaan kacdoon ka dhan ah maamulka Hargeysa.

HALKAN KA AKHRI WARBIXINTA INTERNATIONAL CRISIS GROUP:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM