Digniin laga soo saaray weerar ay abaabulayso Al-Shabaab

Image
Amniga ayaa ka mid ah caqabadaha waawayn ee ka jira wadaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Geeska Africa.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wado qorsho ay weeraro iyo afduub uga fulineyso meelo kamid ah Soomaaliya xilliyada ciidaha si ay uga faa’ideysato mashquulka.

Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada Muqdisho.

"Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay Ajaanibta booqdaan,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa waxaa laga reebay saddex gobol oo ku yaala Somaliland oo kala ah, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera). Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kalana waxay Dowladda Soomaaliya ka caawisaa tababarka ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Amniga ayaa ka mid ah caqabadaha waawayn ee ka jira wadaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa inta badan abaabusha weerarada ka dhan ah Ajaanibta iyo saraakiisha dowlada eek u sugan dalkaan, sidoo kale waxa ay ku lug yeellatay weeraro argagixiso oo ka dhacay dhowr waddan oo kale oo bariga Afrika ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM