Diiwaan-galinta murashaxiinta Jubbaland oo ka socota Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta oo Sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta musharaxnimada doorashadda Jubbaland ee loo balansan yahay bisha dambe.

Intaasi kadib, Axmed Madoobe oo warbaahinta ka hadlay ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid murashaxiinta qaarkood oo ku aadan magacaabida Guddiga Doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku adkeystay in uu maray "hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay qaadan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha".

Musharaxiinta kale ayuu ku booriyey in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin "hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba u soo kordhin doonin".

Siyaasyiinta u taagan jagada ugu sareysa maamulkan ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu magacaabay Guddi isaga danihiisa ka shaqeynaya, wallow uu dhinaca isaga leexiyay.

"Dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland baa ii oglaanaya in aan soo magacaabo guddiga, waxayna kamid tahay awoodaha uu isiinayo," ayaa laga soo xigtay madaxweynaha.

Axmed Madoobe oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii uuna damac uga jiro in uu mar saddexaad xilka qabto ayaa noqonaya murashaxii ugu horeeyay ee uu si rasmi ah loosoo bandhigay diiwaan-gelintiisa.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa horey u soo bandhigtay habraac ay tahay in loo maro doorashadda iyo goobta lagu qabanayo balse maamulka Kismaayo waa uu ka biyo diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM