Dil ka dhacay Muqdisho iyo falalka khaarijinta oo soo kordhaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidanka canshuurta ee dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir, gaara ahaan kuwa ka howlgala Degmada Waaberi ayaa saaka oo Isniin ah u toogtey Qof Shacab ahaa.

Ruuxa la dilay oo la sheegay inuu ahaa Wiil dhalin-yaro ah, islamarkaana kamid ah kuwa ku shaqeysta Mooto Bajaajta ayaa waxaa toogashadiisa ay ka dambeysay markii uu la murmay Askariga.

Muranka oo aan wali la xaqiijin wuxuu salka ku hayey ayaa sababay in Askariga uu rasaasta ku rido Bajaajlaha, taasi oo ka haleeshay qeybabaha sare ee Jirkiisa, waxaana goobta looga qaaday dhaawac ahaan, ka hor inta uusan Isbitaalka ku dhiman.

Maamulka degmada Waaberi oo Warsidaha Garowe Online xiriir la sameeyay ayaa xaqiijiyay inuu baxsaday Askariga dilka geystay, laakiin ay Ciidamada ku raad-joogaan, ayna soo qaban doonaan.

Balse, sida inta badan dhacda, hadii Askari uu dilo ruux Shacab ah iskuma tax-luujiyaan saraakiisha ciidamada inay soo qabtaan, marka laga reebo in hay'adaha amniga balan-qaad soo-qabashadiisa sameeyaan.

In ka badan 50 qof oo isugu jira Shacab, Askar iyo Shaqaalaha dowlada ayaa lagu dilay Muqdisho tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadan, taasoo kaliya hadda mareysan 19 cisho.

Badi dilalkaan waxaa sheegta Al-Shabaab marka laga reebo kuwa qaar oo ay dhabarka u riteen xoogaga taabacsan Kooxda Daacish. Falalkan lidka ku ah amniga ayaa dhabar-jab ku ah balan-qaadkii Xukuumadda ee ahaa inay soo celinayso xasiloonida.

Dilalka ayaa waxay dhacayaan iyadoo Isgoys-yadda waa weyn ee Magaalada ay dhooban yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo amaanka inay sugaan loo diyaariyey, balse aysan muuqan inay sameeyeen wax dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM