Dilal ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxay marti gelisay dilal kala duwan 12-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo loo geestay shaqaale katirsanaa Baalamaanka iyo Askari.

Dilka koowaad waxaa Gabal-dhicii maanta oo Isniin ahayd loogu geystay Nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho xubin ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka.

Ruuxa lagu dilay Shaqaalaha oo magaciisa la sheegay Cumar Dalxa ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Niman ku hubeysanaa Qoryo, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Goobjoogayaal ka ag-dhawaa meesha ay wax ka dhaceen.

Isla goobtaas waxaa ku dhaawacmay qof kale, kaasoo wali aan la ogayn waxa uu yahay, balse ay waxyeelo kasoo gaartay Rasaasta lagu furay Gaari uu watay Marxuum Dalxa.

“Walaalow rag hubeysan ayaa Isgoyska Shaqaalaha ku rasaaseeyay Gaari uu watay nin ka tirsan Shaqaalaha Golaha Shacabka, kaasoo lagu magacaabi jiray Cumar Dalxa, isla meesha ayuuna ku dhintay, qof kale ayaa ku dhaawacmay,” ayuu yiri Goobjooge.

Ragga falkaan khaarijinta ah geystay islamarkiiba goobta ayey ka baxsadeen sida ay kusoo waramayaan Goobjoogayaasha. Waxaana meesha wax ka dhaceeb islamarkiiba yimid xubno ka tirsan laamaha amaanka oo baaritaan sameeyay.

Ma cadda hadii ay jiraan dad lagu soo qabqabtay Howlgaladaan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyadda dilkan, laakiin Al-Shabaab ayaa dhabarka saarata mas'uuliyadda weerarada ka dhaca caasimada Soomaaliya.

Geesta kale, rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxay Isgoyska Maanaboliyo ee degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogteen Askari ka iibsanayey Khaad meel Kabar ah, iyadoo dhaawac uu soo gaarey Haweeneydii ka beecineysa maandooriyaha.

Amaana Muqdisho ayaa u muuqdaa mid faraha kasii baxaya iyadoo tan iyo markii ay curatay bisha Ramadaan lagu khaariyay caasimada in ka badan 15 qof oo isugu jira, Askar, mas'uuliyiin iyo Odey dhaqameedyo doorashadii Baarlamaanka ka qeybgalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM