Dilal khaarijinta Daacish oo Muqdisho kusoo laba-kacleeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo Muqdisho ay kamid tahay meelaha ugu amaanka xun caalamka ayaa mudooyinkii dambe laga dareemay neecow nabadeed iyadoo Ciidamada ay ku guuleysteen in wax qarax ah ka dhicin labadii bilood ee kasoo dhaafay.

Falalka khaarijinta ah ayaa dhanka kale noqday kuwa faraha ka baxay, oo habeen iyo maalin lagu dilo magaalada shaqsiyaad bartilmaameed u ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasi oo katirsan Hay'adaha dowladda iyo Odayaasha dhaqanka.

Shalay oo Jimco ahayd waxaa Muqdisho lagu dilay ugu yaraan saddex qof, kuwaasoo Labo kamid ah ay ahaayeen Askar ka tirsan dowladda halka shaqsiga kale la sheegay inuu ahaa Shacab.

Askarta oo ahaa kuwa Canshuuraha qaada ayaa wuxuu ka dhacay dilkooda Isgoyska Afarta Darjiino ee degmada Yaaqshid, iyadoona kooxihii falkaan ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale, Galabnimadii Jimcaha koox hubeysan ayaa waxay duleedka Muqdisho, gaara ahaan deegaanka Ceelaha Biyaha waxay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo la sheegay inuu Arday ahaa.

Alle ha u naxriistee, wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shadoor Daahir Xasan, lama oga sababta loo beegsaday, iyo waxa uu ka shaqeynayay.

Ma jirto cid sheegatay dilalkaan ka dhacay Muqdisho 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasoo imaanaya xili Isgoysadda waa weyn ee Muqdisho lagu soo daabulay ciidamo badan oo amaanka sugaya.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay waxaa kaliya Muqdisho lagu naf-gooyay in ka badan 50 qof, sida la sheegay, kuwaasoo ubadnaa Askar iyo Ergooyin, kuwaasoo ay khaarijiyeen Rag hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM