Diyaar-garowga Dowladda Soomaaliya ee weerarada Ramadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub, oo lagu adkeynayo amaanka Muqdisho xilli bisha Ramadan, oo bilashadeeda maalmo kaliya ka harsan tahay.

Ciidamo isku dhaf ah, oo laga soo xulay Militeriga, Booliska, Nabad Sugida iyo Asluubta ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho kuwaasi oo loo dhamaystiray agabkooda iyo Gaadiidkii ay ku howlgali lahaayeen.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Yaliye-yaasha Hay'adaha amniga dalka iyo duqa Muqdisho ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay Ciidanka loo xil-saarey xaqiijinta amniga Caasimadda.

Ciidamadan ayaa ku biiri doono howlgallada horey ay Muqdisho uga wadeen kuwa Xasilinta, waxaana la geyn doonaa Isgoysyada magaalada, ee lagu baaro Gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha magaalada.

Qorshahan ayaa ah mid dowladda ugu diyaar garowday kahor tagida weerarada Al Shabaab xilli Ramadan-ka, oo Kooxdan looga bartey inay kordhiso weeraradeeda.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA:

GAROWE ONLONE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM