Diyaarad drone ah oo ku dhacdey goob ay maamusho kooxda AS

Image
Si dhab ah looma xaqiijin karo dalka Alayna leeyahay diyaaradan. Balse Mareykanka iyo Turkiga ayaa drones ay ka yaalaan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Talaado ah ay ku soo dhacday deegaanka Farsooley oo ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa haatan, lama xaqiijin karo sababta keentay in ay diyaaradan ku dhacdo aaggaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta ay ku warameysa in saraakiisha ammaanka ay baaritaan kuwadaan sababta ka dambeysay falkan iyo sida ay u dhacdey diyaaradan.

Si dhab ah looma xaqiijin karo dalka Alayna leeyahay diyaaradan. Balse Mareykanka iyo Turkiga ayaa drones ay ka yaalaan Soomaaliya.

Farsooley waa tuulo hoostagta Qoryooley oo ay qeyb ahaan ay gacanta ku hayaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka dhacdadan uga falceliyay baraha bulshadda ayaa tuhun ka muujiyay diyaarada soo dhacdey waxaana ay soojeediyeen in loo dabagalo diyaaradaha hubka wada ee ku dhacaya goobaha ay Al-Shabaab maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM