Diyaarad Itoobiyaan ah oo loo diiday inay ku degto Garoonka Kismayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Diyaarad ay la socdeen rakaab aanan la carabaabin ayaa Isniinta maanta ah waxaa laga leexiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

Waaxda Duulista Hawada ee madaarka ayaa waxaa la sheegay in ay u diideen diyaaradda in ay soo cago dhigato, maadaama aysan kusoo war-gelin kahor inta aysan soo gaarin garoonka.

Diyaaradda oo aanan la ogeyn halka ay ugu dambeyntii ka degtay ayaa waxay kasoo duushay magaaladda Godey, ee hoostagta dhulka is-maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Mas'uuliyiinta labada dhinac wali kama aysan hadlin dhacdadan oo imaaneysa iyadda maamulkan uu ku guda jiro doorasho lagu soo dooranayo hogaanka cusub ee afarta sano ee soo aadan.

Dhinaca kale, warar hoose oo uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa ku waramaya in taliyaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu Talaadada ku wajahan yahay magaaladda Kismaayo.

Sarkaalkan u dhashay dalka Itoobiya, Tigabu Yilma Wondimhunegn, kaasi oo dhowaanahan socdaalkiisa uu aad ugu badnaa xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa la kulmaya dhinacyo kala duwan.

Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa kuwada sugan ciidamada Kenya iyo Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo Soomaaliya soo galey sanadkii 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM