Diyaarad sida Maxaabiis kale oo ka dagtay Muqdisho [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Diyaarad sida Maxaabiis laga soo daayay xasbiyada dalka Libya ayaa saaka oo Arbaco ah kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo tiradoodu gaarayso 13 ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in dedaal dheer kadib oo dowladdu sameysay lagu guuleystay in dadkan lasoo samatabixiyo.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda, ayaa laga soo daayay xasbiyada Tajora iyo Sika ee ku yaalla wadanka Libya, iyadoo arintaasina ay gacan ka siisay dowladda Soomaaliya Hay'adda QM dhanka socdaalka u qaabilsan ee IOM.

Cali Siciid Fiqi oo ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa xusay in dadkan la soo daayay ay yihiin kuwii ku jiray xabsiyada ku yaalla goobaha ay gacanta ku hayso Dowladda Lbiya, isagoo xusay in kuwa kale ee kujira gacanta magafayaasha aan loo tagi Karin sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Waxa uu sheegay in ay jiraan boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo rag iyo dumar isagu jira kuwaasi oo Libya loogu haysto madax-furasho, islamarkaana ku jira xabsiyada Kooxaha Tahriibka ka ganacsada ee dalka Libya.

Dhalinyarada qaar ayaa diiday sida uu Safiirka sheegay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, iyadoo doonaya inay u tahriibaan dalalka Yurub, oo ay u marayaan badda Mediterranean ee aadka u halista badan.

Dowladda Federaalka ayaa mudooyinkii dambe dalka dib ugu soo celinaysay muwaadiniin Soomalaiyeed oo ku xirnaa dalalka Itoobiya, Hindiya iyo Libya.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM