Diyaarado Hawada Soomaaliya laga mamnuucay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hawada dalka ka mamnuucday diyaaraddo dhowr ah oo horey dalka uga howlgali jiray, kadib shilkii diyaradeed ee dalka Eithiopia.

Barnaamijka Galka-Baariska ee VOA-da ayaa helay warqad kasoo baxday hay'adda duulista rayidka dowladda Federaalka 7-dii bishan ayaa amar lagu siiyay diyaaradaha lagu farsameeyay dalka la oran jiray Midowga Soofiyeeti, oo duug noqday hadda.

Diyaaradahan duugga ah, oo aan qaadin dad rakaab ah, balse ay soo kireystaan ciidamada AMISOM iyo UN-ka oo usoo daabulo xamuulka, kuwaasoo dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan u wanaagsaneyn badbaadada hawada iyo dadka ku safraya.

Ugu yaraan labo jeer ayay dowladda mudo kordhin u sameysay dadka maamula diyaaradaha inay shaqada ku joojiyaan, islamarkaana dalka ugala baxaan diyaaradahooda.

Waxaa loo qabtey inay dalka uga baxaan ugu dambeyn 15-ka bishaan March.

Soomaaliya ayaa mudo dheer ka shaqeynayay diyaarado aan tayo wanaagsan lahayn, oo shirkaddo gaar ah dibadda kasoo kireysteen, kuwaasoo aan la isku haleyn karin duulimaadyadooda.

Warqadda ayaa sheegtay in diyaaradahan aysan lahayn aalad casri ah oo u diga duuliyaasha hadii diyaaradaha kale kusoo dhawaadaan hadii uu il-duufo qofka jooga minaaradda hagista diyaaradaha.

Hay'adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay inay tani ay niyad-jab ku ah diyaaradaha caalamiga ah ee ka shaqeeya garoomadda dalka ama isticmaala hawada.

Diyaaradaha looga mamnuucay hawada Soomaaliya tayo xumadda, ayaa kala ah noocyadooda Antanove 24, Antanove 26, Antanove 32, Antanove 12, kuwaaoso la sheegay inay khatar ku yihiin horumarka badqabka hawada dalka.

Warqadda uu helay Galka-Baarista ayaa shaacisay in diyaaradahan aysan lahayn sidoo kale meel lagu farsameeyay Bariga Africa, sidaasi darteed lagu sameeyo gudaha garoonka Muqdisho marka ay cilad soo wajahdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM