Dooda arrimaha amniga ee Gollaha Shacabka oo gashay maalintii 3aad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kulul ka yeelanaya maalintii saddexaad amaanka magaalo madaxda wadanka iyo midka guud ee dalka, kaasoo mudooyinkii dambe sii xumaanayey.

Dooda oo soo bilaabtay Isniintii ayaa waxaa hadal-jeedin ka sameeyay dhowr mudane, kuwaasoo isugu jira mucaarad iyo muxaafid, waxayna cabirayeen Oraahdooda ku qotonta nabad-gelyada dalka iyo Muqdisho.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulanka Gollaha shir gudoomiye ka ahaa labadii maalmood ee lasoo dhaafey, xili la filayo inuu maanta isaga qabto.

Mudanayaasha Fadhiga soo xaadira maanta, gaar ahaan kuwa aanan doorkooda helin labadii maalin ee tegtay ayaa fursad la siin doonaa maanta, xili Sharci-dejiye walba uu haysto daqiiqado kooban.

In ka badan 45 Xildhibaan ayaa isku diiwaan-geliyay inay khudbado jeediyaan, kuwaasoo qaarkooda Xukuumadda ka difaacaya eedeha mudaniyaasha kale usoo jeediyaan, iyadoo xusida mudan tahay in 74% Wasiiradda Xukuumadda ay Xildhibaano yihiin.

Dhowr Xildhibaan, oo kuwa mucaarad ah ayaa soo jeediyay inuu is-casilo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, maadaama uu ku fashilmay howshii loo igmaday, oo ugu horeeyo amniga dalka, halka qaar ay dalbadeen in Khayre Gollaha Shacabka looga yeero. [Halkan ka akhri Warka].

Bishaan September waxaa Muqdisho ka dhacay in ka badan Saddex weerar oo loo adeegsaday Qarax, kuwaasoo mid kamid ah Gaarigiisa loogu soo xirey Xilldhibaan ka tirsan Gollahaan ka tirsan, xili uu dhaawac culus kasoo gaarey.

Amaanka ayaa kamid ah waxyaabaha ugu horeeya oo ay ku fashilanto dowlad walba oo dalkaan soo marta, maadaama ay jiraan kooxo hubeysan, kuwaasoo weeraro khasaaro lixaad leh dhaliya ka fuliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM