Doorashada Somalia oo dib u dhac kale ku imaaanayo

Image

GAROWE,Puntland- Doorashada Somalia oo la filayay in bisha October 30,2016 soo afjaranto ayaa waxaa la filayaa in dib u dhac ku yimaado kadib markii qorshe howleedkii la dajiyey lagu dhaqmi waayey.

Maalintii shaley 25 Sept, 2016 ayaa waxaa ku ekaa waqtigii laga sugayey madaxda maamulada dowlada Federaalka iney soo dhameystiraan magacaabista xildhibanada aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Warsidaha GO oo xiriir la sameeyey xubin ka tirsan guddiga doorashada xaruntoodu tahay Muqdishu ayaa sidoo kale ogaadey in madaxda Somalida surtagalin waayeen in bisha Sept 12, 2016 soo gudbin waayeen liiska magacyada ergada 51 ah ee dooraneysa xildhibanada.

" Dib u dhacaan ku yimid magacaabista guddiyada iyo aqalka sare ee Barlamanka Somalia waxa ay keeneysaa dib u dhac 3-4 asbuuc ah." Sidaas waxaa GO sheegey xubin kamid ah guddiga doorashada oo diidey in magaciisa xusno.

Dhinaca kale waxaa buuq iyo jawahareer ka jiraa magaalo madaxyada maamulada Somalia taasoo sababtey qaabka qabiiliga ee wax lagu dooranayo, musuqmaasuq salka ku haya madaxda Somalida oo ka dhex raadinaya fursado xildhibano ay rabaan iney kusoo baxaan Barlamanada Federaalka.

Wararka aan ka heleyno Kismayo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynayasha labadaas maamul safar ugu maqan yihiin dalka Ethiopia.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Dalka Somalia ayaa ka dhigeysa in wadanka dagaalada iyo xasilooni la'aanta ka jirtey muddo 25 ku dhow aysan dowlad sharci ah ka jiri doonin mudo sadex bilood kor u dhaafeysa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM