Doorashadda 15-ka May: Fursad iyo cawaaqib isku geedaaman

Image
Musharaxiin madaxwayne ayaa bilaabay isku-dayo in ay dib-uga-dhigaan doorashada xilliga loo muddeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dalbatay hey’adda lacagta aduunka ee IMF inay dib ugu dhigto muddo 3-bilood ah qiimeynta dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha ee dalka uu taakulada kaga helo deeq-bixiyeyaasha.

17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib doorashada Madaxweynaha cusub Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka bishaan ayaa loo mudeysnaa in IMF ay bilowdo qiimeynteeda dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa warqad codsi ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen waxay u direen IMF.

Warqadaas oo uu arkay warsidaha Garowe Online waxay dowladda Soomaaliya ku caddeysay in aysan awoodin in mudadaas kooban ay uga qeyb-gasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF ee 17-ka May.

Gaabis $10 milyan ah ayaa jira bil kasta dakhliga ay maamusho dowladda Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed oo ay sii jireen Soomaaliya, kadib markii dib u dhacyo badan ay wajahday doorashada Soomaaliya.

Dib-u-dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya $38 milyan, marka la barbar dhigo $170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho.

Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ay ka caawiso Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay waraaqda ay DF Soomaaliya u dirtay IMF-ta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka aamusneyd arrintan, wuxuuna cosdigaan ka dhiganyahay in dowladdu aysan ku guuleysan fulinta heshiikii ay lagashay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

IMF weli kama soo jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna arrimahaan dib u dhaca ah halis ku yihiin barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya, kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta ee caalamku siiyo Soomaaliya iyo kabka misaaniyadda dowladda.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM