Doorashadda Koonfur Galbeed oo markii 4aad dib loo digay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa kaga dhawaaqay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedkaan in dib loo dhigay markii afaraad doorashada Madaxtinimada.

War-saxaafadeed uu Guddigu soo saarey, kaasi oo nuqul kamid ah ay warbaahinta u akhriyeen ayay ku sheegeen in sababo farsamo darteeda ay keentay dib udhaca, xili ay shaaciyeen waqtiga xigta ee la qabanayo.

Labo kamid ah sababaha dib loo dhigay doorashadda markii saddexaad kamid ah; shaqooyin horyaala Guddiga oo waqtiyo badan ubaahan iyo inaanu korjootada kusoo xaadiri karin waqtiga haatan harsan.

Kooxda qaban-qaabada doorashada Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa daboolka ka qaaday in xiliga xigta oo coddeynta dhici doonto 19-ka bisha December ee sanadkaan 2018.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed, ma jiro wax isbedal ah oo lagu sameeyay habraacii uu horey usoo saarey Guddiga, islamarkaana waxay ku qabsoomi doonan Jadwalkii uu horey usoo saarey.

Tusaale ahaan, waqtiga ay hadal-jeedinta sameyn doonan muasharixiinta oo loo qorsheeyay Berri oo Axad ah illaa iyo Isniinta ma jiro wax isbedal ah oo lagu sameeyay, sida uu Guddigu ic-laamiyay.

Warar madax banaan oo uu helayo warsidaha Garowe Online waxay sheegayaan in dib udhacaan sababaha keenay ay qayb ka tahay markii xubnaha ay isku qabteen ciidamo ay shalay geysay dowladda magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragelin ba’an waxay ku haysaa doorashada Koonfur Galbeed, iyadda oo dooneysa inuu kusoo baxo murashax ah iyadda wadato, xili ay haatan jiraan Labo tartame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM