Doorashadda Soomaaliya ee 2020 oo war cusub laga soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa sheegtay in doorashooyinka 2020, aysan saameyn doonin khilaafka mararka qaar soo kala dhex-gala hogaanka dalka.

Khilaafka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadda ayaa wuxuu saameeyaa Hay'addaha kala duwan ee dalka, laakiin Xaliimo Yarey waxay sheegeysaa in kooxdeeda ay ka fogaan doonan wax walba oo khilaaf u keeni kara.

Waxay sheegtay in iyaga howsha loo igmaday ay tahay in dalka ay ka hir-geliyaan doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020, iyadoo intaasi ku dartay in howsha arintaasi ku aadan ay meel wanaagsan u mareyso.

Xaliimo Yarey ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in dalka doorasho qof iyo cod ay ka dhici karto dalka, inkastoo ay qirtay inay jiraan caqabado waa weyn oo ay ugu horeeyo amaanka, maadaama Al-Shbaab wali ku xoog badan tahay qeybo kamid ah dalka.

Iyadoo sii hadlaysa ayaa waxay sheegtay in dhibaatooyinka amaan ee guud ahaan dalka ka jira aysan u dhutin doonin in doorashadda 2020-ka dhacdo waqtigii loo mudeeyay, islamarkaana aysan ku imaan doonin wax dib u dhac ah.

Laakiin, Gudoomiyaha ma aysan soo hadal-qaadin deegaanadda ay Al-Shabaab ka maamulaan dalka sida doorashada uga dhici karto, balse waxay sheegtay in codbixinta kadhcayso Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle.

Doorashadda oo la qorheeyay inay ka dhacdo sanadka 2020-ka ayaa waxay tahay nidaam Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka ka jira metalaad ku yeelan doonan Baarlamaanka, islamarkaana Shacabka ugu coddeyn doonan deegaanada kala duwan ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM