Dowlad Goboleedyada oo si weyn u dhaliilay Dowladda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya, ayaa war-mutiyeedkii ay kasoo saareen Shirkoodii Baydhabo ayaa eedeymo culus ugu jeediyay dowladda Faderaalka ee uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

War-murtiyeedka oo ka kooban saddex qodob ayaa looga hadlay arrimo Amniga, Siyaasadda iyo Bini'aadanimada.

 -Amniga-

Gollaha waxa uu dhaliilay horumarka laga sameeyay qorshaha amniga qaranka, oo horey la isagu raacay in la sameeyay isku dhafka ciidanka, lana dhisi Ciidan qaran oo mas'uliyadda amniga kala wareegi kara AMISOM marku uu waqtigeeda dhamaado.

Gollaha wuxuu walaac ka muujiyay in dowladda ay kasoo bixi waysay balan-qaadkeedii ahaa inay ka taageerto Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta maamul goboleedyada dhinacyada hubka, tababarka, agabka ciidanka iyo tayeyntooda.

Waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay dardargeliso qeybinta Dhaqaalaha Beesha caalamka ugu deeqayo Soomaaliya iyo aqabka Ciidan ee hadda yaalla, si loogu isticmaallo howlgallada xureynta dalka.

Gollaha ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tukaraq.

 - Siyaasadda -

Gollaha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay raacdo qodobka 53-aad ee Dastuurka, oo dhigaya in ay kala tashato dowlad goboleedyada arrimaha saameynta ku yeelan kara danahooda, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed.

Gollaha waxa uu walaac ka muujiyay xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Imaaraadka carabta, oo loo arko Villa Soomaaliya inay dhinac la safatay, waxaana ay ka digeen saameynta arintaasi ku keeni karta dalka.

Golluhu waxa uu ku baaqay in la sameeyo qoondo ay leeyihiin dowlad goboleedyada, oo ku aadan deeqaha dhaqaalahe ee dalalka beesha caalamka iyo hay'adaha siiyaan Soomaaliya.

Gollaha waxuu ugu baaqay dowladda Federaalka in ay joojiso faragelinta ay ku hayso hanaanka siyaasadeed dowlad goboleedyada, islamarkaana xoogga ay saarto amniga faraha kasii baxaya iyo dib u dhiska wadanka.

-  Bini'aadanimada -

Gollaha ayaa ka codsaday Hay'adaha caalamka, dowladda Federaalka Soomaaliya, shacaka inay guramd bin'aadanimo oo deg deg ah gaarsiiyaan shacabka ay saameysay fatahaadda ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM