Dowlada Farmaajo oo sugi la' amniga wadada Maka Al Mukarama
MUQDISHO, Soomaaliya - Ka hadalka amniga Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii 2019 ah mawduuca kaliya oo ay gorfaynayso warbaahinta gudaha iyo dibada, taasoo timid markii ay bateen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.
Inta badan weeraradaasi waxay ay ka dhaceen hareeraha Madaxtooyada oo aad loo ilaaliyo, gudaha magaalada iyo daafaha caasimada iyadda oo dadka ku dhimanaya ay u badan yihiin shacab.
Marka aan kasoo tagno bilooyinkii hore, kaliya bishaan Maaj ee gabagabada ku dhow, magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika waxaa ka dhacday ku dhowaad toban weerar oo qaraxyo ah.
March 1: Weerar ku bilowday is-miidaamin ayaa lagu ekeeyay huteelka Maka Al Mukarama iyada ay xigtay dabley gashay dhisme ka akdhowaa, waxaana dhacdadaasi ku dhimatay in ka badan 30 ruux.
March 21: Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay kaasi oo ka dhacay KM 4 ayaa lagu khaarijiyay Injineer dhismaha ka shaqeeya.
March 23: Weerar is-miidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday dhismo ay degmada Shangaani ka degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha guud waxaa ku dhimatay 15 qof, oo ku jiro wasiir ku xigeenkii Shaqada.
March 23: Labo qarax oo ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay taasoo lala beegsaday mid kamid ah askarta dowlada iyo gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan HirShabelle waxaa ku dhaawacmay labo ruux.
March 25: Qarax gaari oo ka dhacay xaafada Black Sea ee Muqdisho waxaa lagu naf-gooyay shaqaale Jamaacadeed.
March 26: Gaari waxlaha qarxa lagu soo rakibay oo ku qarxay isgoyska KM 4 ayaa keenay dhimashada wiil 14-sano jir xili aabihiis oo ganacsade ah isla markaana ay u dhexdo Xildhibaanad uu ku dhaawacmay shilkaasi.
March 27: Qarax Miino oo ka dhacay isgoyska Laba Dhagax waxaa ku dhimatay labo qof, xili ay ku dhaawacmeen tirro kale balse waxaa ka badbaaday taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon.
March 28: Qarax gaari oo ka dhacay kasoo horjeeda maqaayada Bilsan oo u dhaxeysa huteel Wehliye iyo isgoyska Dabka ayaa keenay dhimashada 15 ruux oo shacab ah, xili Al-Shabaab ay sheegatay.
Xeel-dheerayaasha ayaa su'aal gelinaya sida ay ku suurtagashay in qaraxyadaasi ay ka dhaceen goobaha ku dhow Aqalka dalka looga arimiyo, iyada oo ay xusid mudan tahay in ay kasoo sugeeyaan baraha lagu hubiyo gaadiidka.
Si lamid ah dadka amaanka u dhuun-daloola ayaa rumeysan in qaraxyada Muqdisho ka dhaca oo marka hore lagu soo farsameyn jiray gobolada haatan lagu dhex-miineeyo gaariga gudaha magaalada.
Si loo heli amni la isku halayn karo waxay u soo jeediyeen dowladda in ay timaado qorshe tur-xaan-baxsan oo lagu sugayo nabad-gelyada Muqdisho maadaama uusan haatan jirin qorshahaasi, sida ay qabaan qolyaha ka aragtida duwan.
Dooda waxay sii xoogeysatay markii qaraxyadii cuslaa ee uu ku jiro midkii Soobe tan iyo xiligaasi aanu jirin mas'uul jago sare oo amni haya marka laga soo tago taliyeyaal shaqada looga eryay fashilkaasi amni xumo.
Madaxwayne Farmaajo ayaa ol'olaha ku galay in xukuumadiisa adkeynaso amniga, ayna abaal-marin lacageed siineyso cidda soo sheegta qaraxyada, inkasta oo aanan wali lasoo bandhigin ruux la abaal-mariyay.
Wadada Maka Al Mukarama oo laf-dhabar u ah isu socodka magaalada ayay ku guuldareysatay xukuumada Farmaajo in ay sugto amnigeeda, taasoo dhalisay su'aal ah in ay wax ka qaban karto midda guud ee dalka.
GAROWE ONLINE