Dowlada Somalia oo loo gudbiyey qodobo Dastuurka laga badaley

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha wasiirrada Soomaaliya oo kulan gaar ah yeeshay ayaa loo gudbiyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyay. 

Shirkan gaarka ah waxaa shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. 

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga dooday geedi socodka dib u eegiskta dastuurka oo meel gabo-gabo ah maraya. 

Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inay wax ka baddaleen ilaa 10 qodob oo ka mid ah dastuurka KMG ee Somalia. 

Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, wasiirka dastuurka ayaa golaha wasiirada u  soo bandhigay qodobadii isbadalka lagu sameeyey, waxaana golaha wasiiradda laga filayaa inay eegaan kadibna fikir ka soo dhiibtaan. 

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed. 

Wax ka badalista Dastuurka ayaa sababtey in muran ka dhex dhaliso dowlada Somalia iyo dowladaha qaybta ka ah dowlada Federaalka kuwasoo ku eedayaa madaxda dalka iney magacabaan guddiyo aan matalin dadka daga degaanadaas. 

Talaabadaan ayaa imaaneysa xilli muran ka taagan yahay qaabka doorasho ee Somalia taasoo beesha caalamka tageertey balse ay ku gacan sayrtey dowlada Puntland iyo shacabkeeda. 

VOA+ GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM