Dowlada Kenya oo duqaysay Saldhigyo Al-Shabab

Image

October 2, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobalka Jubadda dhexe ayaa sheegaya diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay in laga lee yahay dalka Kenya ay duqaymo u gaysteen  shalay galinkii danbe saldhigyo kooxda Al-Shabab ku lee dahay degmada Jilib.

Ma jirto war faah faahinaya inta uu lee yahay khasaaraha ay gaysteen duqaynta oo lala beegsaday labo saldhig oo kooxdu ku lee dahay Jilib iyo duleedkeeda, hase yeeshee wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaaro xoogan oo dagaal yahano Al-Shabab ka tirsan soo gaaray.

Dowlada Kenya iyo Saraakiisha Al-Shabab kama aysan hadlin weerarkan oo la aaminsan yahay inuu ahaa mid qorshaysan, wuxuna kusoo aadayaa xili dowladda Federaalka ay madaxiisa dul dhigtay aduun lacageed oo gaaraya labo malyan hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabab.

Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalin ka hor saraakiil ka socda howgalka mdiowga Africa ee AMISOM kala hadlay sidii ururka Al-Shabab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobaladda Jubbooyinka iyo gado iyo sidii tababar loo siin lahaa ciidanka booliska oo marka danbe la wareegaya ammaanka goobaha ururka laga sifeeyay.

Ma ahan markii ugu horaysay Kenya ay duqaymo cirka ah ka gaysato gobalka Jubadda dhexe, hase yeeshii weerarkan ayaa imaanaya xili bishii Juun dowladda Maraykanka ay duqayn cirka ah ku dishay hoggaamiyihii Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM