Dowlada Kenya oo duqaysay Saldhigyo Al-Shabab

Image

October 2, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobalka Jubadda dhexe ayaa sheegaya diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay in laga lee yahay dalka Kenya ay duqaymo u gaysteen  shalay galinkii danbe saldhigyo kooxda Al-Shabab ku lee dahay degmada Jilib.

Ma jirto war faah faahinaya inta uu lee yahay khasaaraha ay gaysteen duqaynta oo lala beegsaday labo saldhig oo kooxdu ku lee dahay Jilib iyo duleedkeeda, hase yeeshee wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaaro xoogan oo dagaal yahano Al-Shabab ka tirsan soo gaaray.

Dowlada Kenya iyo Saraakiisha Al-Shabab kama aysan hadlin weerarkan oo la aaminsan yahay inuu ahaa mid qorshaysan, wuxuna kusoo aadayaa xili dowladda Federaalka ay madaxiisa dul dhigtay aduun lacageed oo gaaraya labo malyan hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabab.

Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalin ka hor saraakiil ka socda howgalka mdiowga Africa ee AMISOM kala hadlay sidii ururka Al-Shabab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobaladda Jubbooyinka iyo gado iyo sidii tababar loo siin lahaa ciidanka booliska oo marka danbe la wareegaya ammaanka goobaha ururka laga sifeeyay.

Ma ahan markii ugu horaysay Kenya ay duqaymo cirka ah ka gaysato gobalka Jubadda dhexe, hase yeeshii weerarkan ayaa imaanaya xili bishii Juun dowladda Maraykanka ay duqayn cirka ah ku dishay hoggaamiyihii Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM