Dowlada Mareykanka oo liiska argagixisada caalamka ku dartey Cabdulqaadir Muumin

Image

Dowladda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in liiska argagixisada caalamka ku dartay Cabdulqaadir Muumin Cali, oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Muumin  oo horey ugu tirsanaa kooxda  Al-Shabaab, ayaa isaga iyo 20-xubnood oo kale,  bishii October ee sanadkii hore iclaamiyeen inay ku biireen Daacish, iyagoo xarumo ka samaystay deegaano ka tirsan Puntland.

Ninkaan ayaa lagu tilmaamey in ciidanka ka tirsan ururkiisa kordhiyey isagoo dhinaca kale afduub u gaysta caruurta da'doodu u dhexeyso 10-15 kuwasoo u tababarayo iney ku biiraan ururka ISIL.

Qoraalkaan oo kasoo baxey wasaarada arimaha dibadda Mareykanka  kaasoo numberkiisu ahaa 13224 (EO) ayaa lagu tilmaamey in Cabdulqaadir Muumin yahay Ninka madaxda u ah ururka ISIL ee geeska Afrika islamrkaana khatar ku yahay amaanka dalka Mareykanka iyo shacbkiisa.

Cabdulqaadir Muumin oo haysta dhalashada dalka Ingriiska ayaa qoraalkaan markii ugu horeysay ku tilmaamey doorka uu ku leeyahay ururada xag-jirka ee ka howlgala gudaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM