Dowlada oo shuruud ku xirtay dib-u-bilaabida wada hadalka Somaliland
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowlada federaalka ay ka qeybgaleyso shir ku saabsan wada hadalka Somaliland iyo xukuumada Muqdisho.
Kulankaasi oo ka qeyb-soomaya xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxaa isku soo dabariday Beesha Caalamka iyadda oo la filayey in labada dhinac ay uga soo qeyb-galaan wakiilo kala metalaya.
"Wakiilada dowlada Soomaaliya kama qeyb qaadan doonan Kulanka Isku Dhafka ee Nairobi," ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Nuur Diiriye Xiris, Agaasimaha guud ee Villa Soomaaliya, Talaada maanta ah.
Sidda ku xusan qoraalka Xirsi, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kaliya shirkaasi xaadireysa marka is-afgarad laga gaaro arrimo kamid yihiin, goobta ku haboon, ajendaha iyo cida ka qeybgaleysa.
"Sikastaba, waxaan jeclaan lahayn in aan xaqiijino in dowlada ay ka ogon-tahay in ay wada hadalo dhaxal-gal ah la yeelato Somaliland marka madasha ku haboon, ajendaha iyo ka qeybgaleyaasha laga heshiiyo," ayuu xusay.
Shuruuda cusub oo uu soo rogay Aqalka ay kasoo baxaan talada dalka dhaca Geeska Afrika ayaa waxa la rumeysan yahay in caqabad ku noqonayaan u wada xaajoodka labada dhinac oo hakad ku jiray tan iyo 2019.
Warar ayaa sheegaya in is-qabqabsi uu ka taagan dalka martigelinaya ay qeyb ka yihiin arrimaha hortaagan shirka, maadaama ay ku loolamayaan martigelinta wadamo kala duwan.
Tani oo in muddo ah taagneyd ayaa waxaa wadamada xusul-duubka ugu jira waxaa ku jira Turkiga, Itoobiya, Sweden iyo Eritrea oo muujineysa xiisadaheeda.
Inkasta oo uusan wali midkoodna qaadin wax talaabo ah, hadana waxay ku cel-celiyaan in ay diyaar u yihiin dib u bilaabida wada hadalka, taasi oo la rumeysan yahay in ay rajo xumo ku beertay dadka.
Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii balse waxay ku hungowday in ay rabitaankaasi u hesho aqoonsi caalami ah oo Qaramada dunida ah.
Dowladda Puntland oo ay xuduud wadaagaan maamulka Hargeysa ayaa horey u codsatey in laga qeybgeliyo shirkaasi "maxaa yeelay in uu saameynayo degaanadeeda".
Maadaama uu xukunka dalka kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin, hadii ay suurtogeli waayaan in dib loo bilaabo wada hadalka, waxay dharbaaxo ku noqon kartaa Farmaajo kaasi oo intii uu olalaha ku jiray balanqaadey.
GAROWE ONLINE