Dowlada Soomaaliya oo codsi ka dhan ah Kenya u gudbisay Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa ka dalbatay saaxiibada caalamka in shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ku jadwaleysan caasimada Kenya loosoo wareejiyo dal ama goobo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in go’aankaan lagu meel-mariyey shirkii Golaha Wasiirada xukuumada federaalka gaar ahaan midkii qabsoomay Khamiistii lasoo dhaafay ee uu ra’iisul wasaare Khayre gudoomiyey.

Wasaaradaha ayaa la faray in dhinacyadda ay wadashaqeynta kala dhaxeyso in ay ku war-geliyaan talaabadaan, taasi oo la rumeysan yahay in ay salka ku hayso xiisada diblumaasiyadeed ee labada wadan ee deriska ah.

Sidda ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka, darafyada gacan-saarka la leh waxay u sheegtay in kulamada, aqoon-kororsiyada iyo dhacdooyinka kale ee Nairobi loo qorsheeyay la bedelo.

"Iyada oo la eegayo arrinta socdaalka, wasaarada masoo xaadiri doonto kulamada Nairobi. Waxaan saaxiibadeen ku dhiirogelin lahayn in ay dalka u soo raraan ama meel kale," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Is-qabqabsiga Nairobi iyo Muqdisho ayaa dalab Kenya ka imaanaya oo ah in ay Soomaaliya ka laabato dacwada ay u gudbisay maxkamada cadaalada aduunka ee damaca Kenya uga jira biyaha Soomaaliyeed.

Go'aanka xukuumada wuxuu umuuqdaa mid ay uga jawaabeyso cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Kenya oo joojisay duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, madax ku xayirtay Nairobi, beegsaneyna ganacsatada Soomaaliyeed.

Talaabada dowlada federaalka ah ayaa kusoo aadaya xili walwal dhanka amaanka ah uu ka jiro magaala madaxda wadanka oo ay ka dhacayaan falal liddi ku ah nabad-gelyada oo ay argagixisadu geysaneyso.

WAR-SAXAAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM