Dowlada Soomaaliya oo shirkad ku wareejisay xeradii Imaaraadku ka baxeen [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Qoraal ku taariikhaysan 26/4/2018 oo ka soo baxay Taliska ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) ayaa waxaa lagu xusey in tababarka iyo maamulka xerada General Gordon oo ku taal magalaada Muqdisho lagu wareejiyey shirkad gaar ah ee laga leeyahay dalka dibadiisa.

Xaqiiqda qoraalkaan oo warsidaha Garowe Online ka xaqiisadey saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga dowlada Federaalka ayaa ku socda shirkada la siiyey qabdaraaskaan iyadoo ogeysiin la siiyey Wasaarada difaaca, Xafiiska Ra’isal wasaraha iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo uu ku saxiixan yahay taliye ku xigeenka SNA Gen. Cabdulahi Cali Caanood.

Shirkadaan oo la yiraahdo Red Four Security Group for Somalia (SRG) oo fadhigeedu yahay magalaada London ayaa lagu sheegey qoraalkaan in laga aqbalay codisgoodii ahaa maamulka iyo kor u qaadista tayada ciidamada SNA ee ku sugan xeradaan.

SRG ayaa kamid aheyd shirkado uga shaqeysan jirey ilaalilnta Marakiibta xiligii burcad badeedka weerarada ka gaysan jirtey xeebaha dalka Soomaaliya ku ka muuqata bogga ay ku leedahay Internetka. Halkaan ka eeg

Wareejinta xerada Gordon ayaa Wasaarada Gaashaandhiga qiil uga dhigtey kadib markii ay soo korortey khatarta Al shabaab ee ku soo wajahan dalka in taliska ciidanka go’aansadey in taakuleynta, maamulista iyo tababarka ciidankaan lagu wareejiyo shirkadaan.

“SNA ayaa ka fileysa shirkadan u hogaansanto dhamaan shuruucda dalka u dagsan iyadoo ciidamada qaranka u fududeynayaan dokumentiga u baahan yahay fulinta qandaraaskaan.” Sidaas waxa lagu sheegey qoraalkii shirkadaan loogu ogolaadey maamulka xeradaan.

Taliska ciidanka qaranka ayaa sheegey in ilaalinta amniga shaqalaha shirkadaan mas’uuliyad ka saaran tahay SNA.

Xerada Gordon ee ku taal magalada Muqdisho ayaa waxa maamuli jirey, mushahar-na siin jirey ciidamada ku sugan dowlada Imaaraadka balse ka baxdey markii uu xumaadey xiriirka u dhexeeya Villa Somalia.

Ciidamada SNA ayaa horey Taliska AMISOMu  u sheegey in tayadooda maamul aad u hoseeyso islamarkaana awoodi karin iney la wareegaan amniga dalka.

Xerada Gordon ayaa horey ciidamadii ku Sugnaa suuqa uga iibsadeen 600 qor kadib markii ay ka baxeen tababarayaashii u dhashey dalka Imaraadka Carabta.

Shirkada (SRG) laga leeyahay dalka Ingriiska oo faa’ido doon ah ayaa la filayaa kharashka   ay ku maamuleyso ciidamada ku jira xeradaan ay ka raadin doonta dalalka ay ugu horeyso dalka Qadar kasoo dagaal diblomaasiyeed kula jira Imaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM