Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

Image
SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Xorriyadda Saxafada Soomaaliya SJS ayaa sheegay in la xayiray Akoonadii ay ku lahaayeen Bangiyada kadib Warqad kasoo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la xayiro Akoonada Bankiga SJS iyo in baaritaan lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Hay’adda.

SJS waxay cambaareysay waxa ay ugu yeertay "falalka qaran dumisnimada iyo jebinta sirta ah ee lala beegsaday akoonnada bangiga, ee looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo hawlaha ururka."

Ururka SJS ayaa sheegay in talaabadan inay daba socoto dacwad ka dhan ah dawladda Soomaaliya oo dhawaan loo gudbiyay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka wakiil ah SJS iyo Xoghayaheeda Guud Cabdalle Axmed Muumin kaas oo sugaya go'aan.

Dhanka kale war ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud ayaa lagu sheegay in uu u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan baaritaan, xadidaad iyo baaritaanno la xiriira Akoonada loo furay SJS.

Bayaanka ayaa sheegaya in ogolaansho been abuur ah loo adeegsaday diiwaangelinta ururka.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo SJS waxaa horey u dhexmaray dagaal sharciyadeed kaas oo markii dambe kusoo dhamaadey in lasii daayo zog haye Cabdalla Muumin oo xarigiisa uu ka bilowday dagaalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM