Dowladda Farmaajo oo bilowday ollaha doorashada 2020

Image

MUQDISHO-Ra'isul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khader] ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in mas'uuliyiinta dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo ay sameynsanayaan Xisbi siyaasadeed si ay ugu loolamaan doorashadda qof iyo cod ee 2020.

Wuxuu tilmaamay in Xisbiga oo ay dhawaan soo bandhigi doonan ay ku midaysan yihiin dhamaan madaxda hadda ka jirta dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inuu hogaamiyaha ugu sareeya Xisbiga oo uusan shaacin magaciisa uu noqon doono Madaxweyne Farmaajo.

Khadar oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho, taasoo lagu dar-dar gelinayay in dalka ka hir-gallo nidaamka Xisbyadda ayaa uga digay Xisbiyadda siyaasadeed ee sida KMG ah loo diiwaan geliyay in aysan ka gaabin xoojinta olalahooda doorashadda 2020.

"Waa inaadan is-dhigan. Inaga waxaan sameysaneynaa Xisbi aan ku mideysan nahay, oo aan dooneyno inaan ku tartamo doorashada 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaana hogaamiye ka noqon doonan oo ku hagi doono siyaasadii aan ku doorateen 8-dii Fabraayo," ayuu yiri.

Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale, wuxuu ku nuux-nuux saday inay ka go'an tahay dowladda hadda jirta in doorashadda 2020 ay u dhacdo waqtigii loo mudeeyay, isagoo balanqaaday inaanu sameysan doonin muddo kororsi.

"Waxaan hubaa inaad dooran doontaa Madaxweyne Farmaajo, maxaa yeelay siyaasadiisa uu kusoo baxay doorashadii dhawaan, taasoo uu dalka ku hagayo," ayuu Mahdi Maxamed Guuleed [Khader], Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya daba dhigay hadalkiisa.

Hadalka Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayay xeel-dheerayaasha ku macneeyeen Olale doorasho, oo ay dowladda Farmaajo ugu xusul duubaneyso dooradhadda 2020, iyagoo sheegay inay tahay u fariin cad u ah mucaaradka xukuumadda hadda jirta.

Doorashadda qof iyo cod ee dalka la filayo inay ka qabsoonto 2020 ayaa la filayaa iney ahaaneyso nidaamkii 4.5 ee beelaha u qaybsan jireen xubnaha Barlamanka balse xisbiyo si ku tartamayaan kuraasta 275 ah aqalka hoose kuwaasoo dadweynaha waydiisanaya cod.

Madaxweyne Farmaajo oo la doortey sanadkii 2017 ayaa isaga kooxdiisa siyaasdeed waxay diirada saareen intii talada dalka hayeensidii ay doorashada 2020 ugu guuleysan lahyeen xilli habacsanaan ka jirto siyaasada lagu hago arimaha amniga iyo xiriirka caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM