Dowladda federaalka oo sheegatay dilka in ka badan 50 AS ah

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in afar askari looga dilay howlgalka ka dhacay bariga Galguduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laba howlgal oo cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ku dileen 59 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mid ka mid ah howlgalladaas ayay wasaaradda warfaafinta ku sheegtay in ay ka dhacday agagaarka deegaannada Gerile iyo Awsweyne ee gobolka Galguduud, halka howlgalka labaadna uu ka dhacay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in afar askari looga dilay howlgalka ka dhacay bariga Galguduud. Dhanka kale, ma jiraan cid si madax-banaan u xaqiijisay sheegashada labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM