Dowladda federaalka Soomaaliya oo eedeyn culus u jeedisay Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa eedeyntan ku sheegay khudbadiisa UN-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo warbixin kooban siiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Itoobiya in dagaalka ay kula jirto argagixisada ay marmarsiiyo uga dhiganayso dhul ballaarsi.

“Aan caddeeyo, sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la dagaalanka Argagaxisada, waa qiil ay ku doonayso dhul balaarsi,” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay Soomaaliya qabatay saddex hub oo sharci-darro ah oo laga keenay Itoobiya, taasoo sii hurinaysa colaadaha gudaha, awoodna u siinaysa kooxaha xag-jirka ah. .

“Falalkaas waxaan ugu yeernaa kuwo si cad ugu xad-gudbay madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

Itoobiya ayaa si joogto ah u beenin jirtay eedaha ay Soomaaliya u soo jeedisay Itoobiya oo ay ku jirto ujeedka ay ka lahayd heshiiskii Is-afgaradka ee ay la saxeexdeen Somaliland.

Intii lagu guda jiray shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee bishii hore, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha Soomaaliya.

“Heshiiska is-faham ee Itoobiya la gashay Somaliland waxa uu ku salaysan yahay siyaasadda Soomaaliya ka jirta,” ayuu yidhi.

“Ujeedkayagu waa kobac iyo barwaaqo la wadaago gobolka, heshisyo kuwan la mid ah ayay wada galeen dowlado kale, mana jirto sabab ay dowladda Soomaaliya u hurin karto colaado sida muuqata ay ku dooneyso in lagu daboolo xurguf siyaasadeed oo gudaha ah,” ayuu hadalkiisa ku daray. "Sidaa darteed waan diiday eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn ee dalkayga loo jeediyay."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM