Maamuladda oo Xukuumadda "kala shaqeynaya" hanaanka Deyn Cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda federaalka, Cabdiraxmaan Ducaale [Bayle] ayaa Sabtidii [14-ka September 2019] waxa uu Addis Ababa, kula kulmay wasiiradda lacagta maamuladda dalka.

Isu imaatinkaasi ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimo kala duwan oo quseeya xaalada dhaqaale ee dalka, gaar ahaan barnaamijka Deyn Cafinta ee xukuumadda federaalka ah ay haatan gedaal ka riixeyso.

Bayle oo qoraal kooban soo dhigay akoonadiisa shaqsiga ah ee baraha bulshadda ayaa waxa uu ku shaaciyey in dowlad goboleedyadda ay "ogolaadeen" in ay xukuumadda kala shaqeeyaa qorshahaasi.

"Wadahadal dheer oo aan yeelanay kadib waxaa ka soo baxay in aan si wadajir ah uga shaqeyno hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, iyaguna waxay nala garteen in ay ka soo bixi doonaan doorka ay ku leeyihiin hanaanka Deyn Cafinta".

Deynta lagu laayahay Soomaaliya oo mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka ay sheegeen in ay qarka u saaran tahay in laga dhaafo waddanka ayaa waxay kor u dhaafeysaa ku dhowaad saddex bilyan oo dollar-ka ah.

Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray: "Dhamaanteen waxaan heshiis ku nahay inaan horumarino danta Maaliyadeed iyo dhaqaale ee ummadda Soomaaliyeed".

Si loo cafiyo, waxaa la hordhigay dowladda shuruudo dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood ku guuleysatay fulintooda, qaar kalena wali baaqi ku yihiin.

"Walaalaheey Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada waxaan uga mahadcelinayaa sida ay dadaalka noola wadaan iyo qaabka ay uga go'antahay in ay horumariyaan Danta Shacabka Soomaaliyeed".

Shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah dib u habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga dhanka lacagta, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo qaadista canshuurta gudaha ee isugu jirta tan iibka iyo gaadiidka.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday Bangiga Aduunka, dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan kor u kacaya 1.3%-1.4%, waase hadii la joogteeyo dib u habeynta haatan socoto ee la ammaanay.

Ahmiyadda ay Soomaaliya ugu fadhiso in qaanta laga dhaafo ayaa waxay tahay in ay maalgelin heli karto, in ay soo deynsan karto lacag kale iyo kobac dhaqaale oo baaxad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM