Dowladda Jarmalka oo balanqaad u sameysay Xukuumadda Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Jarmalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda la xiriira dowlad-dhiska dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM