​Dowladda Somalia oo codsi u dirsatay Morocco

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Dowladda Federalka Somalia ayaa waddanka Morocco u dirtay codsi ku aadan in laga caawiyo arrimaha la dagallanka argagixisada iyo dhismaha hay'adaha amniga dalka Somalia kadib shir dhexmaray Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka Arrimaha Dibadda waddankaasi Salaaxudiin Miswaar.

Labada mas'uul ayaa ku kulmay dalka Turkiga, waxayna kawada hadleen xaaladaha amni iyo sidii labada dhinac u samayn lahaayeen xiriir qotodheer oo la xiriira is-dhaafsiga xoga kooxaha xagjiriinta ah.

Ra'isal wasaare Cumar, ayaa wasiir Miswaar ka codsaday in  Somalia ka caawiyaan dib u dhiska hay’adaha amniga, muqaabaraadka, la dagaallanka argagixisada iyo in dhaqan celin loo sameeyo dadka marin habaabiyeen Al-Shabaab ee isu soo dhiiba dowladda.

Mas'uuliyiinta ayaa isku raacay howlo badan oo ay kawada hadleen iyagoo isla meeldhigay inay taageerada Somalia dalbatay dhaqso loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maracco, Salaaxudiin Miswaar ayaa sheegay inay dalabkaasi tixgalinayaa, dowladda Somaliyana ka caawin doonaan dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto ururka Shabaab.

Codsigan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Shabaab falal amni darro ka fuliso Somalia gaar ahaan xarunta dowladda Federalka ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM