Dowladda Somalia oo eedaysay WFP

Image


05 January, 2016(GO)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay hay’adda WFP in ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga uu dalagu usoo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa qorshaha WFP ku tilmaamnay mid khalad ah, waxayna ugu baaqday inay arrintaasi ka waantowdo. 

Hadalka waxaa VOA u sheegay wasiir-kuxigeenka wasaaradda beeraha Cabdicasiis Saalax Carmaan, isagoo sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay qorshaynayso in la horumariyo beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirigaliyo sharikadaha caalamku in ay maalgalin ku samaystaan dalka Soomaaliya oo dhowaan baarlamankiisu uu ansixiyey sharciga maalgashiga.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor shirweyne looga hadlayo wax soo saarka beeraha dunida oo ka furmi doona magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Xigasho: VOA

 

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM