Dowladda Somalia oo eedaysay WFP

Image


05 January, 2016(GO)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay hay’adda WFP in ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga uu dalagu usoo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa qorshaha WFP ku tilmaamnay mid khalad ah, waxayna ugu baaqday inay arrintaasi ka waantowdo. 

Hadalka waxaa VOA u sheegay wasiir-kuxigeenka wasaaradda beeraha Cabdicasiis Saalax Carmaan, isagoo sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay qorshaynayso in la horumariyo beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirigaliyo sharikadaha caalamku in ay maalgalin ku samaystaan dalka Soomaaliya oo dhowaan baarlamankiisu uu ansixiyey sharciga maalgashiga.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor shirweyne looga hadlayo wax soo saarka beeraha dunida oo ka furmi doona magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Xigasho: VOA

 

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM